Al-Shabaab oo War culus ka soo saartay weerarka caawa ka socda Hotelka SYL

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar rag hubeysan ay caawa ku galeen hotelka SYL ee oo ku yaalla meel ku dhow xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho

War kooban oo kooxdu soo saartay ayey ku sheegtay in dagaalyahano ka tirsan kooxdaas ay gudaha u galeen, kana dhex dagaalamayaan hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin Wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS.

“Koox inqimaasiyiin ah oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL halkaasoo ay ka wadaan toogasho ay ku gumaadayaan saraakiisha iyo madaxda dowladda ee daggan Hotelka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Al-shabaab oo lagu faafiyey baraha internetka.

Hadalka Al-shabaab ayaa soo baxay wax yar ka dib markii uu bilowday caawa salaadii maqrib ka dib weerar hotelka SYL ay ku galeen dabley ku lebisan dareyska ciidamada oo lug ku socday, kuna hubeysan bambooyin iyo qoryaha fudud, kaasoo weli socda, lamana oga illaa hadda khasaaraha weerarkan ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -