Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indha-qarshe oo si kulul uga hadlay Weerarkii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Gen. Cumar dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April iyo Abaanduullaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasoo shalay ku naf waayey qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayuu yiri  S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida Saraakiishaani aysan niyad jabin doonin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Tilmaamay Mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Howlgalka dalka looga xureynayo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil suxuun dhaqe ahaa oo la afduubtay iyo ragii afduubtay oo la qabtay

Cabdi Cade

Shir u Dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulada oo furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo jeediyey hadal ka careysiiyey shacabka iyo dowlada Faransiiska (Sawirro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---