Allbanaadir.com
NEWS

Shir u Dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulada oo furmay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shir u dhaxeeya wasaaradda Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka, kaddib go’aankii dhawwaan kasoo baxay wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada.

Shirkan magaalada Muqdisho ka furmay ayaa looga hadlayaa nidaamka maaliyadda dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhax galay wasiirka cusub ee maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Inta uu socdo shirkan ayaana si weyn loogu lafa guri doonaa nidaamka maaliyadda dalka iyo sidii loo soo celin lahaa wada shaqeyntii ka dhaxeesay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa imaanaya xilli dhawwaan wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada shaaciyeen in ay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeesay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, waxa ayna eedeyn u jeediyay wasiirka cusub ee maaliyadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gen. Odawaa oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii Ismiidaaminta ee saaka ka dhacay Sh/dhexe

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaarihii hore oo kahor yimid Warkii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Aqalka sare oo digniin ka soo saaray doorashada hogaanka Koonfur Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---