Ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka fuliyay deegaanno dhaca duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkan ay qaadeen ciidanka huwanta ah ayey ka fuliyeen deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Xarardheere , halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab .

Sargaal katirsan ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Al Shabaab ka eryeen deegaannadii maanta howlgalka ka fuliyeen, waxa uuna xusay in howlgalkan ka dhanka ah Al Shabaab sii wadi doonaan.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dhawaan banneeyay deegaannadii ay Al Shabaab ka saareen ee katirsanaa gobolka Mudug, waxaana gacanta dowladda wali ku jirta degmada Xarardheere oo oo kamid ahaa goobihii Al Shabaab laga saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -