Ciidamada amaanka Muqdisho oo qaaday talaabo si weyn loogu amaanay

Ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa dedaal dheer ka dib ku guuleystay iney soo qabtaan Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo maalintii sabtida ina dhaaftay Magaalada Muqdisho ku dilay nin Darawal ahaa.

Askariga la soo qabtay ayaa darawalka oo waday gaari weyn oo xamuul ah ku dilay Isgoyska Digfeer ee Degmada Hodan.

Laamaha amniga dowladda ayaa sheegay in Askariga ka tirsan ciidanka Booliska ee dilka geystay la dhigay xabsiga, lana marinayo cadaalada.

Faahfaahin lagama bixin halka laga soo qabtay askarigan iyo sida ay ku suuragashay balse ciidamada dowlada ayaa lagu amaanay talaabadan ay ku soo qabteen askariga dilka geystay maalmo ka hor, iyadoo tani ay cashar u tahay askarta iyo kooxaha kale ee dilka geysta ka dibna isku daya iney baxsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -