Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalihii Waaxyaha maamulka Dhuusomareeb oo dhammaan shaqada laga eryay (Wareegto)

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa Kala diray dhammaan shaqalahaha xafiisyada waaxyaha kala duwan ee maamulka Dhuusomareeb.

Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha Dhuusomareeb Cabdiraxmaan Cali Geedaqorow ayuu ku sheegay in dhammaan lakala diray shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee maamulka degmada.

Guddoomiye Geedaqorow ayaa ku war-galiyay in aysan maanta kaddib aysan shaqaalaha lakala diray aysan soo xaadiri karin xafiisyada, waxa uuna u rajeeyay nasiib wacan iyo in ay helaan shaqo ka wannaagsan tii hore u heesteen.

Ma shaacin guddoomiyaha caasimadda Dhuusomareeb sababta uu hal mar shaqada uga wada diray dhammaan shaqaalihii kala duwanaa ee xafiisyada waaxyaha kala duwan ee maamulka , waxa ayna dadka qaar tuhmayaan in uu doonayo in dad kale oo cusub qorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS kaddib shir ka dhacay New Yourk (Sawirro)

Cabdi Cade

DFS oo saxiixday heshiis looga cafinayo lacag dhan $100 Milyan (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---