Taliska ciidamada Booliiska Baladweyne oo Amaro cusub soo rogay (Akhriso Wareegto)

Taliska ciidamada booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amaro cusub oo ku socda darawalada Gaadiidka xamuulka qaada iyo kuwa wata gaadiidka muraayadaha madow.

Qoraalka kasoo baxay taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne ayaa lagu amray in gaadiidka xamuulka qaada in aysan soo gali karin Magaalada ka hor 4:0OPM ama 10:00 sida dadka qaarkiis u yaqaaniin.

Booliiska magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale mamnuucay gaadiidka ay ku xiran yihiin miraayadaha madoow ee beensalka loo yaqaano gaar ahaan gaadiidka aan heysan warqada ogolaanshahah.

Halkan ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Booliiska Baladweyne

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -