Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Somalia oo mar kale u digay shacabka degan xerada dab damiska

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faray shacabka degan xerada dab damiska iney ka guuraan maadaama ay dhamaatay mudadii loo qabtay

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay xeradaas in la baneeyo ka hor 20ka bishan Apriil oo ay naga xigto muddo todobaad ah

Afhayeenka Booliska Somalia ayaa sheegay in xeradaas loogu adeegi doono bulshada aysana jiri doonin in loo isticmaalo dano gaar ah.

“Waxaan Balan Qaadeynaa hadaanahay Boliiska soomaliyeed in xeradaas ay Noqondoonto meel Bulshada loogu adeego

Mana dhicidoonto wararka Been abuurka ah ee Bulshada loo sheegaayo . Waxaana laga hirgelinayaa Xero Dabdamis oo Casri ah waxaana  Naga Taageeri doona  Saaxiibada Boliiska iyo Bulshada soomaaliyeed. Marka dadka degan waxaan leeyahay Adiga iyo Aniga iyo qof Gaar ahba waxaa ka Mudan Adeega guud ee Bulshada Soomaliyeed aan u istaagno in bulshada loo adeego” ayuu yiri afhayeenka.

Dhulkan oo ku yaalla agagaarka Sei biyano ayaa waxaa mudooyinkan ka taagneyd xiisad u dhexeysay dadka degan oo diiday iney ka guuraan iyo ciidanka DF, iyadoo ay dhamaadeen dhowr jeer  oo mudooyin loogu qabtay dadka halkaas degan iney baneeyaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Related posts

Daawo: Farmaajo, Fahad Yasin & Rooble oo dacwad laga gudbiyey & Mucaaradka Somaliland oo..

Caydiid Ali

Toddobo arrin oo ay dowladda ku oggolaatay heshiiska amni oo ay la gashay Imaaraadka

Cabdi Cade

Wasiir kala tuuray Gabar Waardiye ah oo xilka iska casilay raali galina bixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---