Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada UK oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.
 
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada UK.
 
Wadahadalka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.
 
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo garab isaataga.
 
Wadahadalkan dhax maray dowladaha Soomaaliya iyo UK ayaa imaanaya xili xildhibaano katirsan baarlamaanka UK mooshin lagu aqoonsanayo maamulka Somaliland horgeenayaan fadhiga Baarlamaanka si looga doodo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -