Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Puntland oo xiray nin hal goob ku kufsaday labo gabdhoo

Booliska Puntland, gaar ahaan Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, oo kaashnaya Qaybta Baarista Dembiyada (CID) ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Sharmaarke Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ah, kuna dhashay Garoowe, kaasoo laguna eedeeyay inuu kufsi u geystay labo gabdhood oo danyar ah.

Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe.

Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal.

Eedaysane Sharmaake Xuseen Yuusuf, ina Ubax Cismaan Jaaji, ayaa lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ka dhacay agagaarka dawladda hoose ee Garoowe, isagoo la socday gaarigii lagu tuhunsanaa in falku lagu fuliyay.
Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo la tuhunsan yahay iney qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasna uu adeegsaday.

Sharmaarke ayaa haatan lagu hayaa saldhigga Galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo helo dhammaan xogaha sharciga u baahan.

Related posts

Ilhan Cumar oo Jabuuti kula kulantay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha Gudaha Serbia & danjiraha Somalia?

Caydiid Ali

Mareykanka oo Gawaari Nuuca Dagaalka ugu deeqay Ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---