Ciidamo amar culus la siiyey oo saaka lagu daadiyey Suuqyada Boosaaso (Sababta)

Suuqyada Magaalada Boosaaso ayaa waxaa saaka lagu daadiyey ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa Amniga Puntland, iyagoo fulinaya amar ka soo baxay maamulka oo ku saabsanaa in la qaato shilinka Soomaaliga.

Ciidamada ayaa ka shaqeynaya socodsiinta ama  qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo maalmihii u dambeeyay laga diidanaa magaalada Boosaaso ka dib markii sarifka Dollarka uu heerkii ugu sareeyey gaaray.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Ganacsatada iyo dadka kaleba ku amraya inay qaataan lacagta Shillinka Soomaaliga ah, isla markaana qofkii diida laga qaadayo tallaabo adag

Boosaaso iyo degaano kale oo ka tirsan maamulka Puntland waxaa ka dhacayay bannaanbaxyo looga cabanayo sicir-barar xoog leh oo saameeyey maciishada, sidoo kalena lagu diidanaa go’aankii Madaxweyne Deni ku amray in kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso aan lagu qaadi karin Shiling Soomaali.

Puntland ayaa wada dedaalo lagu doonayo in sare loogu qaado qiimaha shilinka Soomaaliga, waxaana amaro arrintaas la xiriira lagu soo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha la iskugu diro telefanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -