Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha Gudaha Serbia & danjiraha Somalia?

Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia

Danjiraha ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Serbia Mudane Aleksander Vulin, labadda dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga Siyaasadda iyo Amniga oo aad muhiim ugu ah labadda Dal ee saaxiibada ah.

“Serbia waa saaxiib muhiim ah, marka loo eego xiriirka soo jireenka ah iyo kaalinta dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee sida wanaagsan u socota” ayuu yiri danjiraha.

Kulanka ayaa ku dhamaaday is faham iyo iskaashi joogto ah oo ay yeeshaan labadda Dal, gaar ahaan dhica tayeynta Hay’addaha Nabad-geliyadda ee Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Related posts

Shariif Xassan: “Laftagareen waa lagula xisaabtami doonaa dhiiga shacabka ee uu daadinayo

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Somalia oo yeeshay kulan xasaasi ah

Caydiid Ali

AMB Ismaaciil Geesa cadde oo isku soo sharaxay Xildhibaanimo iyo Beeshiisa oo taageertay (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---