Shiikh Shariif: “Xiligii la ciribtiri lahaa argagixisada ayaa la joogaa, waxaan ku baaqayaa..”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhoweeyey howlgalada baaxada leh ee Al-shabaab looga saarayo dalka, kaasoo ay wadaan ciidamada dowlada iyo shacab hubeysan oo iskaashanaya.

“Waxaan bogaadinaayaa kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay isaga xoraynayaan kooxda arxanlaawayaasha ah” ayuu yiri Shariif shiikh Axmed.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay Madaxweynuhu in Al-shabaab uu haatan gabalkoodii dhacay.

“Waxaa la joogaa xilliggii la ciribtiri lahaa argagixisada, waxaanna ku baaqayaa dhulka la xoreeyo in laga hirgaliyo nidaamka dowladnimada” ayuu intaas ku daray Madaxweynihii hore.

Sidoo kale, Raisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey howlgalada ka socda qeybo ka mid ah dalka.

“Waxaan garab taaganahay Kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed isaga xoreynayaan Argagixisadda gumaadaysa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibaddaba in ay is abaabulaan oo garab istaagaan Halganka dib u xoreynta Dalka, ee lagu wiiqayo argagixisada nabadda iyo xasilloonidda u diiddan” ayuu intaas ku daray Rooble oo qoraalkan ku faafiyey baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -