Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay xasaanad ka xayuubin lagu sameeyey

Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay maanta inay kalsoonidii kala laabteen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyagoo ka dalbaday guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada inay si rasmi ah uga qaadan xasaanada.

Guddiga ayaa ku eedeeyay Feysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu jabiyay qodob dastuuri ah oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa eedeymahaasi ku tilmaamay kuwo la been abuuray, isagoo ku dooday inuusan jebin qodob dastuuri ah, eedeynta noocaas ahna laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Madaxweynaha Somaliland ayaan la xiriiray saaka markii ay eedeymahaasi ii soo jeediyeen guddiga, wuxuunu balan qaaday inuu xaalada taagan geli doono” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa Xildhibaanada xasaanada ka xayuubiyay ku tilmaamay kuwo raadinaya muddo kororsi aan sharci aheyn.

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa inta badan jeediya hadalo aan loo meel-dayin oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar siyaasadeed iyo xasaasiyad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -