Madaxweyne Caan ah oo Madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 15 milyan oo doolar 

Dowlada Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweynaha dalka Venezuela, Nicolás Maduro iyo xubno sar sare oo katirsan maamulkiisa, dowlada Mareykanka ayaana Madaxweynaha iyo xubno ku dhaw dhaw ku tilmaantay argagaxiso dhinaca daroogada ah.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Venezuela iyo xubnaha ku dhaw dhaw in dalka Mareykanka ku harqiyeen maandooriyaha loo yaqaan cocaine si daroogadaasi hub ahaan ugu adeegsadaan si ay u waxyeeleeyaan caafimaadka dadka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka William Barr. Abaalmarin ayaa balan qaaday in lacag gaareysa 15-milyan oo Dollar la siinayo cidii keenta xog horsiidi karta in lasoo xiro Madaxweyne Maduro iyo xubnaha kale ee la eedeesan.

Dowlada Mareykanka ayaa horey cunaqabateeno adag ugu soo rogtay dowlada Venezuela , waxa ayna Mareykanka hada sii kordhinayaan caadiska ay ku hayaan Madaxweynaha mayalka adag ee talada dalkaasi haya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Venezuela, Jorge Arreaza, oo ka ka hadashay eedeynta  kasoo baxay Mareykanka, ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha Mareykanka u jeediyay Madaxweyne Maduru.

Dowlada Mareykanka ayaa marar badan isku dayday in xilka ka tuurto Madaxweynaha Venezueala , waxa ayna taageero u muujisay siyaasi mucaarad ah oo horey u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -