Nabad Sugida Soomaaliya oo War kasoo saartay sargaal katirsan Al Shabaab oo la dilay

Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka hadashay duqeyn Khamiistii Diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykanka ka fulisay deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

Qoraal kasoo baxay Hay’ada Nabad sugiuda oo lasoo dhigay bog Twitterka ku leeyihiin ayaa lagu sheegay Duqeyn ka dhacday Deegaanka Kuunyo Barow lagu dilay xubin sare oo katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa aruurunta Zakada.

“Xubin sare oo Al-Shabaab ah, kuna sugnaa degmada Kunya Barow, una qaabilsanaa soo aruurinta dakhliga, ayaa waxaa 25/10/2018 gantaal ku dilay xulufada ciidanka amniga Soomaaliyeed, Dhaqaalaha uu shakhsigan soo aruursho ayaa lagu gumaadi jiray shacabka”ayaa lagu yiri qoraalka Nabad sugida kasoo baxay.

Hay’ada Nabad sugida Soomaaliya ma aysan soo bandhigin magaca sargaalkan katirsanaa Al Shabaab ee lagu dilay Duqeynta ay diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

War shala kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday gobolka Shabeekaha Hoose lagu dilay labo xubnood oo Al Shabaab ah laguna bur buriyay gaari ay wateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -