Madaxweyne Qoor Qoor oo Labo daran mid dooro heesato iyo xaalka oo aad ugu xun !!

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo doorashadiisa kadib taageero badan ku helay in uu noqonayo Madaxweyne dhax dhaxaad ah oo isku haya dowlada iyo Mucaaradka ayaa hada lasoo baxay waji cusub.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa rumeesan in Madaxweyne Qoor Qoor uu hada lasoo baxay wajigiisa runta ah uuna cadeestay in xiligan adag uusan isku wadi karin siyaasiyiinta Mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee kasoo jeeda Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaana markii la doortay kadib heshiisyo la galay siyaasiyiinta mucaaradka waxa uuna maamulkiisa kusoo daray siyaasiyiin caan ahaa oo katirsanaa Mucaaradka dowlada si uu Galmudug uga dhigo maamul saameyn leh oo lawada leeyahay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Deegaanada Galmudug ee isugu jira labada Aqal ee Baarlamaabnka federaalka  ayaa intooda badan ka aamin baxay Madaxweyne Qoor Qoor kadib markii la sheegay in guddiga doorashada ka dhigay xubno Nabad sugida ah iyo xubno ku dhaw Farmaajo oo magacyadooda loo yeeriyay kuwaa oon dhax dhaxaad aheyn.

Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Galmudug intooda badan iyo siyaasiyiin kale oo caan ah ayaa Muqdisho ka bilaabay olole ka dhan ah Qoor Qoor, waxa ayna xubnahan kulamo ay la qaateen Qoor Qoor intooda badan kusoo dhamaadeyn natiijo la’aan.

Sida ana xogta ku helnay Qoor Qoor ayaa ku adkeestay in guddiga uusan badaleyn waxa uu sidoo kale sheegay in kuraasta Xildhibaanada qaarkood laga maarmaan tahay in la bedelo , waxaana kuraastaasi ku fadhiya siyaasiyiin saameyn badan leh.

Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug ayaana u sheegay Qoor Qoor in uu cadeesto in uu la saftay Madaxweyne Farmaajo una diyaar garoobo dagaalkooda iyo in uu cadeesto in uu dhax dhaxaad yahay dibna uga laabto guddiga uu magacaabay.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanadan oo taageero badan ku leh Baarlamaanka Galmudug ugu hanjabeen Madaxweyne Qoor Qoor in uusan ka dambeyn doonin hadii uu ka tago dhax dhaxaadnimada lagana abaabuli doono mooshinka xilka looga tuuro.

Madaxweynaha Galmudug ayaana hada heesataa labo daran mid dooro ah oo ah in uu si cad u taageero Madaxweyne Farmaajo qeybna ka noqdo ololihiisa ama in uu noqdo dhax dhaxaad si uu Mustaqblkisa siyaasadeed uusan u wasaqoobin ugana bad baado mooshin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -