Diblomaasi Ruush ah oo ku dhaawacmay qarax loogu soo diray bashqad (Sawirro)

Diblomaasi u dhashay Ruushka oo ay ku qaraxday baqshad uu u maleeyey in madaxa Wiilkiisa loogu soo riday.

Sarkaalkaasi oo ka tirsan  Dibloomaasiyiinta Raashiya ee ku sugan dalka Afrikada Dhexe “The Central African Republic”  ayaa lagu dhaawacay Baqshad loo soo geliyey Qarax.

Dmitry Sytyy ayaa ahaa Madaxa Faraca Xarumaha Dhaqanka ee hoos taga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Raashiya, waxaana uu ku dhaawacmay meel ka baxsan Dhismaha Diblomasiyiinta Raashiya ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Bangui.

Waxaa dhowr jeer fariimo hanjabaad ah loo soo diray ayaa waxa uu u maleeyey in baqshada loo soo diray in loogu soo dhex riday Madaxa Wiil uu dhalay oo ku nool dalka Faransiiska, kaasoo horey loogu hanjabay in marka la soo dilo Madaxiisa boostada loo soo dhigi doono.

Bishii hore ee November ayuu horey u helay baqshad laga soo diray dalka Togo, oo uu ku jiray Sawirka wiilkiisa loogu hanjabay in la dili doono, haddii aysan Ciidanka Calooshood U Shaqaystayaasha Shirkadda Wagner ee Raashiya ka bixin dalka Afrikada Dhexe (CAR).

Safaarada Raashiya ku leedahay Caasimadda dalka afrikada dhexe ee Bangui ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Raashiya in Sarkaalka la dhaawacay la dhigay Isbitaalka,  kadib, markii ay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxaasi gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd.

Dhanka kale, Dowladda Raashiya waxay ku eedeysay Faransiiska inay ka dambeeyeen Isku-dayga lagu khaarijin lahaa Dmitry Sytyy.

Faransiiska waxay horey u gumeysan jireen dalka Afrikada Dhexe, iyadoo 130-kii Askari ee ugu dambeeyey Faransiiska isbuucan laga daad-gureeyey dalkaasi, kuwaasoo qeyb ka ahaa Boqolaal Ciiddan Faransiis ah oo sanadkii 2013-kii la geeyey dalkaasi oo ay xilligaasi ka dhaceen Afgembi Milliteri iyo Dagaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -