Guddoomiye Mursal oo xeer jabab ku dhameynaya muranka kala dirista guddiga Maaliyada

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa dib uga laabtay mucaaradnimo uu kala hor yimid qorshaha madaxda Dowladda Federaalka taasoo dhalisay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u soo dhoweeyaan.

Mursal ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa sidoo kale ka hor yimid qaabka dowladu u wajaheyso doorashada Koonfur galbeed, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya inay dood adag oo dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay ugu dambeyn inuu taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed iyo kala  dirista Guddiga maaliyadda

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu warbixin siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta kala dirista Guddiga maaliyada ee muranka badan dhalisay, ka hor inta uusan magacaabin guddi cusub oo Maaliyadeed, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in arintan guddigan lagu dhameynayo xeer jajab siyaasadeed, maadaama si aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka loo kala diray guddiga Maaliyada.

Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, inkastoo aan dib loogu celin doonin Hay’adda NISA oo uu horey taliye ku-xigeen uga soo noqday.

Guddoomiye Mursal oo culeys badan kala kulmay beeshiisa, isla markaana ay si weyn u soo dhoweeyeen Kooxaha mucaaradka ah iyo xildhibaanada kasoo horjeeda madaxda dowladda ayaa mar kaliya waxaa hoos u dhacay cabsidii laga qabay inuu madaxda dowladda caqabad ku noqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -