Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump (Daawo Sawirada)

Maamulka Isra’il ayaa shaaca ka qaaday in deegaan cusub laga dhisayo dhulka ay Israa’il xooga uga heesato Siiriya ee buuraha Golan, waxaana deegaankan loogu magac daray Madaxweyne Donald Trump.

Ra’isul Wasaaraha Maamulka Isra’il  Benjamin Netanyahu ayaa axadii shalay ku dhawaaqay in la deegaameyn doono dhul kamid ah buuraha Golan Heights, waxa uuna ku dhawaaqay in deegaameyntaasi loogu magac daray Trump Heights.

Dhulkan Isra’il ay deegaanada ka dhiseyso ayaa lagu maamuusay looguna magac daray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu u aqoonsaday dhulkaasi in uu yahay mid Isra’il leedahay.

Dowlada Mareykanka ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo Israa’iil u aqoonsada in ay iyadu leedahay buuraha Golan Heights , Isra’il ayaana dhulkan ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Caydiid Ali

Wada xaajoodyo xoog leh oo ka socda QM & xabad joojinta Gaza oo miiska saaran

Caydiid Ali

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Istanbul iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---