Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweynaha Galmudug oo caawa lagu soo dhoweeyey degmada Xeraale (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu horkacayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, iyo xubno ka tirsan Golleyaasha xukuumadda, iyagoo ka soo ambabaxay degmada Caabudwaaq oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Waxgaradka, qeybaha bulshada iyo masuuliyiinta degmada Xeraale ayuu kuamo la qaadan doonaa Madaxweynaha, isagoo kala hadli doona arrimaha dib u heshsiisiinta, xoojinta amaanka, la shaqeynta maamulka iyo qodobo kale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa inta uusan ka soo ambabaxin Caabudwaaq kormeer ku tagay sldhigga Booliiska degmada, isagoo sidoo kale dhagax dhiggay xarunta Agoonta Degmada Caabudwaaq.

Kormeerka waxaa madaxweynaha ku wehlinayey Madaxweyne ku xigeenka, iyo wasiiradda wasaaradaha Amniga gudaha, iyo arrimaha Gudaha Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka caalamka qaarkood oo bilaabay iney dadkooda ka daad gureeyaan Israel

Caydiid Ali

Gabadhii ugu horreeysay Soomaali ah, oo qareen ka noqotay dalka Nederlands

Caydiid Ali

Hooyo iyo Caruurteeda oo ku dhintay Darbi xalay kusoo dumay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---