Milateriga Itoobiya oo gaaray hareeraha Magaalada Makelle, digniina soo saaray

Ciidamada Itoobiya ayaa qorsheynaya inay taangiyo u adeegsadaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi.

Waxaya kaga digayaan dadka shacabka ah inay sidoo kale madaafiic u adeegsan doonaan magaalada.

“Qeybaha xiga ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca,” ayuu Colonel Dejene Tsegaye oo ah Afhayeenka militariga.

Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle ku nool oo nus malyan qof gaaraya ay tahay in ay ka feejignaadaan halista soo wajahan

“Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri.

Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Maamulka Tigray ayaa qirtay in ciidamada federaalku ay qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn gobolka oo la yiraahdo Adigrat taasoo oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -