Cudur mar dunida ku laayey dad gaaraya 50 milyan oo lagu arkay dalka Shiinaha

Shiinaha ayaa xoojiyey feejignaanta ka dib markii magaalo ku taalla Mongolia laga soo sheegay hal kiis oo ah cudur kale oo ah caabuq halis ah.

Kiiskii ugu horreeyay waxaa Sabtidii laga soo weriyay isbitaalka Urad Middle Banner, ee ku yaalla magaalada Bayannur. Weli ma cadda sida iyo sababta uu bukaankaas ku qaaday cudurka.

Qofka labaad ee laga shakisan yahay waa 15 sano jir, kaasoo la sheegay inuu xiriir la sameeyay xaywaan lagu magacaabo marmot oo uu ku ugaarsaday eey, sidaas waxaa lagu qoray farriin Twitter oo ka timid Global Times.

Digniin heerkeedu sarreeyo oo mamnuuceysa ugaarsiga iyo cunista duurjoogta sii faafin kara daacuunkan ayaa la soo saaray, waxaana dadka lagu wargeliyay in ay soo sheegaan qofkii ay uga shakiyaan cudurka.

Sida lagu daabacay wargeyska Shiinaha ee Global Times, Saraakiisha maamulka waxay sheegayaan in ay baaritaan ku sameynayaan kiis kale oo laga shakisan yahay

Bubonic plague wuxuu mar ahaan jiray xanuun ay dadka caalamka aad uga baqaan, balse hadda si fudud ayaa loo daweyn karaa.

Waxaa sababa bakteeriya caabuq ah, waana mid ka mid ah xanuunadii dhimashada ugu badnaa sababay taariikhda aadanaha, Waxaa loo garanayay ‘Dhimashada Madow’ – Cudurkaas ayaa ku dhowaad 50 milyan oo qof ku dilay daafaha caalamka qarnigii 14-aad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -