Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray xarunta Xalane

Waxaa saakay tiro madaafiic ah lagu weeraray xeendaabka xarunta Xalane oo ah goob amaankeeda si weyn loo ilaaliyo ayna degan yihiin inta badan Diblumaasiyiinta reer Galbeedka iyo Hay’ado caalami ah.

Madaafiicda lagu garaacay xarunta ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku dhaw xarunta Xalane , waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo kala ahaa aabe iyo wiil yar uu dhalay ayaa ku dhintay madfac gurigooda uu kuyaala waaxda Xalane ee degmada Wadajir kusoo dhacay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof oo kale.

Dadka ku dhaawacmay madaafiicdan ku habsatay xaafadooha ayaa loola cararay isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana xaafadaha madaafiicda ku dhaceen tagay ciidamo katirsan dowlada oo qiimeyn ku sameenayay khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Xarunta Xalane ee madaafiicda lagu garaacay waxaa maalmihii lasoo dhaafay xaalad amaan darteed u degnaa Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaa oo sheegay in cabsi owgeed isku aamini karin gudaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -