Dagaalka ka socda Tripoli oo sababay in Soomaali badan xabsiyo ka baxsadaan

Magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya kooxo hubeesan, kuwaa oo ku dagaalamaya gacan ku heynta goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Dagaalka ka socda Caasimada dalka Liibiya ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac , waxaana laga barakacay qeybo kamid ah magaalada gaar ahaan goobaha uu sida xoogan uga socdo dagaalka.

Goobaha lagu dagaalamayo waxaa ku yaala xabsiyo ay ku xirnaayeen Tahriibayaal Soomaaliyeed, waxaana lagu soo waramayaa in qaar kamid ah xabsiyada albaabada loo furay kana baxsadeen dhalinyaradii ku xirneed.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi sheegay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro.

“Waxaa dhamaan waalidiinta dhalinyarada ku xiran xabsiyada Libya la ogeysiinayaa in dagaal culus uu ka dhacay magaalada Tripoli, dhawr xabsi oo Soomalida ku sugneed ayaa irida loo balaqey, waxay safaarada ka shaqeynaysaa in dhalinyarada meel la isugu keeno”. Ayuu yiri Danjire Cali Faqi.

Soomaali badan ayaa ku xiran xabsiyo kuyaala dalka Liibiya, dadkan xabsiyada ku xir xiran ayaa waxaa horey u heesatay dhibaatooyin xoogan sida jir dil iyo in ay ku dhax xanuunsadeen xabsiyada ay ku xiran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -