Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa Ciidamada Ruushka oo lagu dilay Moskow

Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka Ruusbka, ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, waxaana socda baaritaanno la xariira dilkan iyo cidda ka dambeysay.

Ku-xigeenka Madaxa howlgallada guud ee ciidanka Ruushka , Jen. Yaroslav Moskalik, ayaana lagu dilay qaraxa gaari ee ka dhacay duleedka Moscow, waxaana dilka sargaalkan lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen sirdoonka dalka Ukraine.

Ciidamada dambi baarista Ruushka, ayaana wada baaritaanno dheeraad ah oo ku aadan qaraxa lagu dilay  Jen. Yaroslav Moskalik, waxa ayna si gaar ah dowladda Ruushka u tuhmaysaa in dilka ka dambeeyeen sirdoonka dalka Ukraine..

Dalka Ruushka, ayaa horey waxaa uga dhacay qaraxyo iyo weeraro qarsheysan oo lagu dilay saraakiil sar sare, kuwaa oo kaalin weyn ku lahaa dagaalka dhiigga badan ku daatay ee ka socdo magaalooyin badan oo katirsan dalka Ukraibe.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Amaanka ee QM oo digniin culus siiyey dhinacyada Siyaasada Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka hadlay qarax lagu dilay Odayaal Caan ah oo ka dhacay Boosaaso

Cabdi Cade

Ergaygii gaarka ahaa ee Midowga Afrika u soo Magacaabay Somalia oo iscasilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---