Allbanaadir.com
NEWS

Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Washington DC ee caasimadda dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliye

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaalada u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.

Marka loo eego xaaladda dalalka soo koraya, colaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ahna ay ku dheceen, Soomaaliya waxa ay hoggaaminayaa sida loo maro dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan xarun Baarlamaan la galay dhalo Ayax ka buuxaan iyo buuq ka dhashay !!

Cabdi Cade

Qaybta 1aad :-Muxuu ahaa codkii mucjisada ahaa ee la maqashiiyay Nebi Suleymaan CS? (Qiso cajiib ah)

admin

Suuragal ma tahay in ciidanka Xooga dalka soo dhaxmaraan deeganada Xoogaga Al Shabaab ka taliyaan!!

admin
Taboola Ads ---