Xildhibaan xarun Baarlamaan la galay dhalo Ayax ka buuxaan iyo buuq ka dhashay !!

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka dalka Uganda ayaa buuq badan ka abuuray xarunta baarlamaanka dalkaasi kadib markii fadhi ay lahaayeen Xildhibaanada uu la tagay dhalo uu ka buuxo ayax fara badan.

David Obala oo ah Xildhibaan laga soo doorto deegaanka bariga dalka Uganda ku yaala ee Ngora ayaa fadhiga Baarlamaanka la tagay dhalo ayax badan ka buuxaan si uu u muujiyo dhibaatada ayaxa ku hayo dalkaasi.

Talaabada uu qaaday Xildhibaankan ayaana buuq badan ka dhaliyay xarunta Baarlamaanka dalka Uganda, waxaana xildhibaanka markii dambe lagu amray in dhalada ayaxa ka buuxo ku wareejiyo ciidamada amaanka.

Xildhibaankan ayaa la sheegay in sababta uu ayaxa ula galay xarunta Baarlamaanka ay aheyd in uu muujiyo dhibaatada ayaxu ku hayo beeraha dalkaasi iyo sida ay dowladu ugu guul dareesatay in ay wax ka qabato dhibaatada ayaxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -