Madaxweyne Uhurru oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Duqii hore ee Muqdisho

Madaxweynaha dalka Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka looga arimiyo dalkaasi warqadaha aqoonsiga safiirnimo waxa uu uga gudoonay 17-safiir uu ku jiro safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u magacawday Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqonaya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhiya Soomaaliya Tarsan ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta gaarsiiyay dhambaal salaan ah uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa safiiro dhawaan magacawday dowlada Soomaaliya, Tarsan ayaana inta aan xilka safiirka Kenya loo magacaabin kamid ahaa lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -