Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay bilashada Bisha Ramadan, shacabkana hambalyo u diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoona u rajeeyay iney nabad iyo caafimaad ku soomaan.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu yiri Madaxweynaha

Xassan Shiikh ayaa sheegay in Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan ay xambaarsan tahay khayr badan.

“Waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan. Si aan uga faa’iideysanno Bishan barakaysan waa in aan ugu horreyn isu-qalbi xaarnaano oo aan iscafino, qofkastana uu walaalkiis kale la jeclaadaa wanaag iyo horumar” ayuu yiri Madaxweynaha

Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambayn goor dhow xaqiijisay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Related posts

Sidee Ku Shaqeeysaa Maskaxda Aadanaha ayna wax ku dareenta!! Bal Daawo muuqaalkaan oo wax ka Ogoow!!

admin

Ciidamo Soomaali & Maraykan iskugu jiray oo Weeraray degaan ka tirsan Sh/dhexe

Caydiid Ali

Somaliland oo Go’aan adag kasoo saartay Suuqa Sarifka Online-ka ee Forex (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---