Gaalkacyo oo maanta laga sugayo Wafdiga Farmaajo iyo Amaanka oo la adkeeyay

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaaraan Wafdiga uu hogaaminayo Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Deegaanada Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn looga dareemayaa u diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wadooyinka magaaladaasi lagu xardhay sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay ka arimiyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ,waxa uuna halkaasi kula kulmi doonaan Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka Muhiimka ah iyo goobaha la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya tago la dhigay ciidamo xoogan oo amaanka sugaya.

Farmaajo ayaa safarkiisa Gaalkacyo kadib sii aadi doona magaalooyin kale oo katirsan maamulka Galmudug, waxaana ka socda magaalooyinkaasi diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -