Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo la kulmay dhigiisa Recep Tayyip Erdoğan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Antalya ee dalka Turkiga dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan.

Xassan Shiikh ayaa ka qaybgalay meertada 4aad ee Madasha Diblomaasiyadda Antalya 2025.

Madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah,

Related posts

Xildhibaano u badan kuwa Mucaaradka oo caawa la kulmay Guddoomiye Mursal (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso Magacyadda Dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday badda Gariiga

Cabdi Cade

Mustaf Dhuxulow oo codsi muhiim ah u jeediyay dowladda Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---