Allbanaadir.com
NEWS

Facebook oo shaacisay sharciyo & xanibaado cusub

Shirkadda Meta ayaa xannibaado hor leh ku soo rogtay dadka da’oodu ka hoosayso 18 sano ee isticmaala Facebook iyo Messenger.

Sharciyadan cusub ayaa xaddidaya in carruurtu ay baahin toos ah ka samayn karaan Facebook iyaga oo aan oggolaansho ka haysan waalidkooda.

Nidaamkan oo markiisii hore laga dhaqangeliyay barta Instagram, bishii September ee kal hore ayaa ujeeddadiisu tahay in laga ga hortago waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada ee aan ku habboonayn da’yarta.

Laakiin dadka qaar oo qorshahan ka soo horjeeda ayaa ku tilmaamay in waxyaabaha qaarkood ay cadaadis u muuqdaan.

Qorshaha Meta waxa uu saamayn doonaa malaayiin da’yar ah oo caalamka ku nool.

Dhallinyarada qaar ayaa BBC-da u sheegay in ay weli ay fududahay in da’da laga been sheego.

Meta waxa ay sheegtay bilaabi doonto isticmaalka garaadka macmalka ah si loo aqoonsado dhallinyarada laga yaabo in ay been ka sheegaan da’dooda.

Isha: BBC

Related posts

Maxaabiistii Al Shabaab ee ka baxsatay Xabsiga Nairobi oo lasoo qabtay iyaga oo…

Cabdi Cade

Xitaa lug lama ogola – jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho oo caawa la xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay nin Bam ku weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---