Siciid Deni oo si kulul uga hadlay Weerarkii Boosaaso fariin adagna diray (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al Shabaab habeen hore kusoo qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso.

Saciid Deni ayaa sheegay in ciidamada Puntland ku jiraan heegan buuxa una diyaarsan yihiin iska difaacida kooxo uu ku tilmaamay argagaxiso ,waxa uuna xusay in ciidamada Puntland jawaab adag ka bixiyeen weeararkii xabsiga lagu soo qaaday.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo cida cadawga gacanta siiyay, waxa uuna cadeeyay in weerarkaasi la iskula xisaabtamido doono.

”Weerarkii Xabsiga weyn ee Boosaaso waa la iskula xisaabtamayaa, ciidankii ka jawaabay ee guusha kasoo hoyiyay waa lagu abaal marinayaa , kuwii cadawga gacan siiyayna waalala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa qiray in uu khasaaro ka dhashay weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso, waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan maxaabiis badan oo xabsiga laga sii daayay inkastuu tilmaamay in qaarkood lasoo qabtay.

“Dabcan khasaare waa dhacay maxaabiista qeyb kamid ah wey ku guuleystaan inay ka fakiyaan..waxaas Ilaahey mahaddiis ah in falkii dhacay lala sugin inta uu waaggu ka baryaayo oo laha daba tagay in badana laga soo qabtay qaar badana ay halkaas ku dhinteen”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Al Shabaab ayaa habeen hore weerar culus ay ku qaadeen xabsiga magaalada Boosaaso ku guuleesatay in xabsiga ka baxsadaan dad badan oo ku xirnaa ay ku jiraan dagaalyahano, waxaana maxaabiista qaar dib usoo qabtay ciidamada Puntland halka kuwa kalana la dilay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -