Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la yeeshay Raisedon Zenenga (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan muhiim ah Magaalada Muqdisho kula yeeshay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arrimo dhowr ah oo muhiim u ah mustaqbalka Gobolka, waxaana ka mid ahaa: Amniga, Siyaasadda, iyo Mashaariicda Horumarineed ee ka socda guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa iska xog-waraystay xaaladda Amni ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerada ay u baahan yihiin Bulshada iyo dadaallada socda ee lagu Daadejinayo Adeegyada Dowladda

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa  Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo mashaariicda Horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Related posts

Wax badan ka Ogow Ahmiyadda ay leedahay Waxbarashada Gabdhaha.

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada DF oo xukuno kala duwan ku riday koox askar ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amaro adag siiyay laamaha amaanka ee Dowlada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---