Wax badan ka Ogow Ahmiyadda ay leedahay Waxbarashada Gabdhaha.

Dumarka waa lafdhabrta bulshada. Waxey u taaganyihiin bar ka mid bulshada; kuwaasoo barbaariya, tarbiyeeya, wax bara barka kale ee bulshada.

Sidaa dareedeed, in loo istaagoo daryeelkooda waxbarashadooda iyo dhisidda mustaqbalkooda waa mid waajib ah.

Islaamka wuxuu ka dhigay cilmiga barashadiisa mid waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah. Si gaar ah dumarka wuxuu u yahy lagama maarmaan, maadaam ay aqoontaas u gudbinayaan carruurtooda.

Aan idinla wadaago qaar ka mid ah muhiimadda ay gabadhu u leedahay waxbarashada.

1)Waxbarashada waxey kor u qaadaa garaadka iyo garashada Dumarka.

Ma jirto hab kale oo uu qofka ku noqon karo qof garasho leh, aan ka aheyn waxbarahada, dhageysi iyo aqris miday doontaba ha ahaatee.

Waxbarashadu, waxey korisaa, kobcisaa caqliga. Waxey gabadhu siisaa dareen waaqica ku hareereysan. Waxeyna wax kaga tilmaamtaa majaal kasta oo ay ku nooshahay.

Gabadha caqligeeda dhisanyahay, ee cilmi baratay, ma sahlana in si fudud lagu duufsado, waayo saameynta ay waxbarashada ku leedahay maskaxdeeda ayaa markasta ku haga halka toosan. Halka mida maanku maranyahay, wax badan aysan maareyn karin.

2)Waxbarashadu waxey kaalin ka qaadataa barbaarinta caruurta.

Gabadha aqoonta leh ee waxbaratay way ka duwan tahay mida aan helin fursad waxbarasho.

Gabadha cilmigeeda waxey u adeegsataa barbaarinta, tarbiyeynta iyo tayeynta ubadkeeda. Waxey ubadkeeda marsiisaa tubti ay iyada kusoo barbaartay. Ubadka ay dhashay hooyo waxbaratay wuu ka duwanyahay midka aan helin.

3)waxbarashada waxey Gabdhuhu u abuurtaa fursad shaqo.

Gabdhaha qaar ee waxbarashooda horay usii wata ee gaara heer Jaamacadeed, waxay bulshada kusoo kordhiyaan, horumar aad u baaxad weyn. Waxey dabcigooda naxriista iyo daryeelka ku dheehan ugu faa’ideeyaan bulshadooda, Kana garo taas,  goobaha caafimaadka! Waxaa intaas loogu daraa, inay garab u noqdaan raggooda.

Gabadhu, waa warshad soo saarta ubadka anfici lahaa dalka iyo dadka. Haddii warshadaasi aysan laheyn aqoon iyo aqool fiican, suuro gal maaha inay soo saarto ubad tayo leh.

Waxaan ogahay, welina xasuustaa, inkastoo ay iga sii xistirmeyso, hal qabsigi ahaa “Gabar guur hakaaga jirto ama God”, taasoo micnaheedu tahay inaysan qiimo laheyn waxbarashadeeda. Xumaantaa qarada weyn si kastaba waan u qiil waayay!

Waa fikir gurracan oo gu’yaal badan na gaasiray, jahlina ku saleysan, keliya baaqi ku ah bulshada Soomaalida, asii aduunka kale fahmay muhiimadda ay leedahay in gabar wax la baro.

Waa run gabar kasta waxey dooneysaa guur, taasi  micnaheeru ma ahan, inaysan diyaar u aheyn waxbarasho.

Waxbarashadu, maaha mid dhamaata guurka kadib, geeri mooyee si kaloo lagu gooyaa ma garan, lkn guurko waa calaf xilligii Eebbe kuu qoray aad  calman doonto.

Ma ahan wax lasoo koobi karo, dhibaatooyinka ay gabdhaha kala kulmaan guurka da’ yaraanta lagu galo, xilli aysan caqli ahaan iyo cudud ahaan u carbiyeysneyn maareyntiisa.

Aan soo gunaanadee, gabareey,  si aad u noqoto qof bulshada waxtara, soo saar ubad aayotiin fiican leh, ku dadaal waxbarashada heerkay doontaba!”

W/Q. Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -