NISA oo xirxirtay dad lagu eedeeyey iney la macaamilaan kooxda Al-Shabaab

Taliska Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa billowday inay tallaabo ka qaado dadka la macaamila kooxda Al-Shabaab

Qoraal ka soo baxay NISA ayay ku sheegtay in howlgal ay sameysay ay ku qabatay 10 qof oo lagu eedeynayo inay la macaamileen Al-Shabaab, kana soo laabteen degaanada ay kooxdaas maamusho.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo lagu daabacay barta ay ku leedahay Twitterka.

“Waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa hadda kadib cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka NISA.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliska DF ayaa sheegay in la xiray odayaal iyo nabaddoono aaday degaanada Al-Shabaab lana macaamilay kooxda.

Waxaa uu intaas ku daray in Nabadoonadan oo gaaraya 7 xubnood loo haysto inay Al-shabaab la sameeyeen la-macaamil maaliyadeed iyo mid maamul, loona gudbin doono xeer ilaalinta, si maxkamad loo soo taago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -