Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaan hore oo ku dhaawacmay Weerar bambaano oo ka dhacay Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta halkaasi uu ka dhacay weerar bambaano uu khasaaro kasoo gaaray sadex ruux.

Guri kuyaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo ayaa lagu weeraray bambaano, waxaana guriga qaraxa lagu weeraray ku sugnaa Xildhibaano hore, waxgarad iyo dad kale oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxa bambaano ee galabta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaa ku dhaawacmay sadex ruux uu ku jiro Xildhibaan hore Macalin Nuur Xasan Ibraahim oo katirsanaa Baarlamaankii KMG ee dowladii Sheekh Shariif.

Kooxihii bambaanada ku weeraray gurigan kuyaala magaalada Baydhabo ayaa baxsaday, waxaana magaalada howlgalo ka sameeyay ciidamada booliiska oo baadi goob ugu jira kooxdii bambada tuurtay.

Weerarkan Bambaano ayaa imaanaya xili Magaalada Baydhabo dhawaan la geeyay ciidamo badan oo booliis ah oo loogu tala galay in xaqiijiyaan amaanka magaalada oo dhawaan la filayo in Doorasho ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney mar qura dhashay 7-Caruur ah iyo Warbaahinta oo hadal heysa !!

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka ee QM oo war ka soo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Caydiid Ali

Muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Canada

Cabdi Cade