Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Francisco Madeira oo ka qeyb galay kulanka Golaha Amniga Jubbaland (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir gudoomiyay kullanka golaha amniga Jubbaland.

Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta ka qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo  Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland.

Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Col. Khaliif Nuur Shiil oo u geeriyooday dhaawacii xalay loogu geystay Gaalkacyo

Caydiid Ali

Nin gaari jiirsiiyay bar koontarool oo laga ilaaliyo safaarad Isreal ay leedahay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---