Taalibaan oo la sheegay in ay dileen Ruuxullaahi Saalax oo nolosha ku qabteen

Dagaalamayaal katirsan Taalibaan ayaa lagu soo waramayaa in maxbuus ahaan ku qabteen kadibna dileen nin lagu magacaabo Ruuxullaahi Saalax oo la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii dalka Afganistan Amrullaah Saalax.

Taalibaan ayaa la sheegay in dagaalkii ka dhacay Gobalka Dooxada Panjshir ee Waqooyiga Afganistan ku qabteen ninkan la dhashay Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Afganistan xili uu qeyb ka ahaa iska caabinta Taalibaan.

Ilo-wareed ku dhow Kooxda Iska-caabinta Qaranka Afganistan ayaa u sheegay Warbaahinta Sputnik in Taalibaan maxbuus ahaan u qabteen Ruuxullaahi Saalax iyo xubno kale oo kooxda Iska caabinta qeyb ka ahaa kadibna dileen.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Afganistan Amrullaah Saalax. iyo Axmed Mascuud ayaa dagaal iska caabin ah la galay dagaalyahanada Taalibaan, hasa ahaatee Taalibaan ayaa ka adkaatay ciidamadii daacada u ahaa ragan kana qabsatay dooxada Panjshir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -