Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali badan oo kunool dalka Mareykanka oo maanta Wadnaha farta ku haya

Soomaali badan oo kunool dalka Mareykanka ayaa wadnaha farta ku haya, waxa ayna Soomaalidan oo dalka Mareykanka ka heestay sharciga magangalayada ee ku meel gaarka ka cabsi qabaan in aan loo cusboonaysiin sharcigaasi oo ka dhacay.

In ka badan 500-qof oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta ka war sugayaan in sharcigan loo cusbooneesiiyo ama loo diido , waxaana dadka Soomaaliyeed yihiin kuwa aad u walaacsan oo isha ku haya sida uu xaalkoodu ku dambeyn doono

Dadkan Soomaaliyeed ee laga yaabo in sharciga loo cusbooneysiin waxaa ku jira kuwo Maraykanka ku noolaa in kabadan 20 sano oo shaqaysta, canshuur bixiya isla markaasna qoysas ku samaystay, waligoodna aan dambi galin.

Senetaro Mareykan ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaalo dadkan loogu raadinayo in sharciga loo cusbooneysiiyo, waxa ayna Senetaradan Warqad codsi ah u direen Maamulka Madaxweyne Trump.

Warqada Senetaradan u direen Madaxweyne Trump waxa ay uga codsadeen in dadka Soomaalida ah loo kordhiyo mudada sharcigooda, iyada oo la eegayo xuquuqda bini’aadamka iyo duruufaha ka jira waddanka Soomaaliya.

Dadkan Soomaaliyeed ayaa hadii loo diido in sharciga loo cusbooneysiiyo waxaa suurto gal ah in laga soo musaafuriyo dalka Mareykanka laguna soo celiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo baaraya in Coronavirus si ku talo-gal ah loo abuuray iyo shaki badan oo…

Cabdi Cade

Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay qoraaladii ka soo kala baxay DF & beesha caalamka

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Su’aallo xasaasi ah la weydiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---