Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Musharaxiin ka qeylo dhaamiyey faragelinta dowlada oo baaq u diray beesha caalamka (Akhriso)

Qaar ka mida musharixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka horjeedaan dib u dhaca markii saddexaad lagu sameeyay xilligii Doorashada

Musharaxiinta kala ah, Mukhtaar Roobow Cali, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay inaan laga talogelin dib u dhigista Baarlamaanka, waxayna intaas ku dareen iney ka walaacsan yihiin madax bannaanida Guddiga Doorashada oo faragelin kala kulmaya madaxda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Waxay dalbadeen in dib loo celiyo ciidamada dowladda Soomaaliya geysay magaalada Baydhaba, iyadoo xilliga la qabanayo doorashada ay dhici karto in dowladda federaalka ay si musuq ah doorashada ugu shubto musharaxa ay wadato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun lagu riday nin Kufsi iyo Afduub u geestay Gabar yar oo lix Sano jir ah

Cabdi Cade

Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo iskaashi cusub yeelanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalka ka socda Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---