Xukun lagu riday nin Kufsi iyo Afduub u geestay Gabar yar oo lix Sano jir ah

Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun xabsi ah iyo ganaax ku riday nin dhalinyaro ah oo lagu helay in falal isugu jiray afduub iyo kufsi uu deegaanka Godinlabe ugu geestay gabar yar oo lix sano jir ah.

Maxamed Cabdi Dhoore ayaa Maxkamaddu gobalka Galmudug ku heshay in kufsi iyo Af-duub uu u geeystay gabar lix sano jir aheyd oo kunooleed Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud taariikhdu marka ay aheyd 19-8-2021.

Xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud Cabdixakiin Maxamed Xirsi, ayaa sheegay in eedeysanaha uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, waxa uu sidoo kale maxkamada horkeenay cadeeymaha kufsiga uu ninkan geestay.

Garsooraha Maxkamada gobolka Galgaduud Axmed Salaad Kullane,  ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in maxkamada ku xukuntay Maxamed Cabdi Dhoore 5-sano oo xabsi ah iyo in uu bixiyo labo halaad oo dhiiga gabadha uu kufsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -