Culimada Somaliland oo Madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu gacmaha kula jiro arin halis ah

Qaar ka mid ah culimada Somaliland ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulkaas inuu dhul boob ka wado magaalada Hargeysa, iyagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii arintaas ay sii socoto.

Shiikh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland sida weyn looga tixgeliyo ayaa sheegay in Muuse Biixi uu gacmaha kula jiro dulmi noociisa uu sheegay inaysan xitaa ku kicin dowladdii Kacaanka ee ay eedaha ka tirsanayaan.

“Waa nasiib daro iyo dulmi cad in Madaxweyne Biixi uu nin muwaadin ah oo documenti haysta oo maxkamad afar jeer u xukmisay inuu dhulkiisa oo dhan 2200 xoog kaga qaado oo weliba yiraahdo madaxtooyo ayaan ka dhigayaa, haddii diin jirto, damiir, dadnimo iyo karaamo jirto, wax la aqbali karo ma ahan” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro oo xusay in arintan aan loo dul qaadan doonin.

Sheekh ayaa intaas ku daray in arrintan iyo kuwa la midka ah ay horseedi karto burburka jiritaanka Somaliland, maadaama cadaalad daradu tahay wixii horey looga dagaalamay, isagoo xusay in haddii dulmi la isku fiirsado aysan nabad ku wada noolaan karin Ummada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -