DF oo Mid ka mid ah dalalka Carabta kala wareegtay Markab gargaar ah (Sawirro)

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta Dekada Magaalada Muqdisho kala wareegay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi Markab sida Deeq gargaar ah.

Deeqdaan  ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka abaraha,coladaha sameenta ay ku reebeen waxaana sidoo kale mucaawinadaan loogu talagaaly shacabka ku nool deganadii dhawaan laga xoreeyey khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab ee maamulada galmudug, KGS,Jubbaland iyo Hirshabelle.

Markabkaan oo ku soo xirtay dakada weynee muqdisho ayaa waxaa halkaas maanta booqasho ku tagay Guddoomiyaha Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka SoDMA, mudane maxamuud macallim cabdulle, Safiirka imaaradka carabta  u joga Soomaaliya iyo  masuuliyiin kale oo katirsan hey’adda maareynta.

Safiirka imaaradka carabta  u joga muqdisho Ahmed Jumca alrumaythi ayaa sheegay in ka dowladd ahaan ay ka go’antahay caawinta walalahood soomaaliyeed ayna sii wadi donaan cawinta bini aadanimo .

Guddoomiyaha Hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka,mudane maxamuud Macallim Cabdulle  ayaa dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kalana kawarbixiyey gargarakan qeybaha uu iskugu jira ayna balan qadayaana in ay gaarsiyaan dadkii u baahnaa ee guud ahaan ku sugan dalkena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -