Magaalo beddelkii lacagta Gaadiidkeeda lagu raaco Qashinka Balaastikada !!!

Magaalo beddelkii lacagta Gaadiidkeeda lagu raaco Qashinka Balaastikada !!!
Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Induniisiya ee Surabaya ayaa la timid hab cajiib ah oo dadka degaanka lagu dhiirri-gelinayo inay dib u adeegsadaan qashinka aan dhamaatiga gelin ama walxaha la cusbooneysiin karo: waxaana taasi loo marayaa in si lacag la’aan ay ku raacaan gaadiidka dadweynaha. Balse halkii ay awal ka bixin jireen lacag caddaan ah, waxay soo ururinayaan 5-10 caagadood oo la isticmaalay.
Sharciga ay soo saartay waaxda dowladda hoose ee Surabaya ayaa lagu soo saaray qorshaha looga golleeyahay in lagu yareeyo isticmaalka balastikada oo dalkaas halis degaan ku heysa.
Waana qeyb kamid ah Himilada ah Induniisiya oo bilaa balastik ah marka la gaaro sannadka 2020-ka. Shacab-weynaha adeegsada gaadiidka dadweynaha waxay soo ururinayaan dhowr caagadood oo balastik ah waxayna lasoo fuulayaan gaariga. Waa laga guddoomayaa; lagamana qaadayo wax lacag ah marka ay degayaan.
Surabaya waa magaaladii ugu horreysay dalka Induniisiya oo tallaabtan ku dhaqaaqda.
“Hindisahani waa mid caawinaya degaanka; oo yareynaya qashinka. Wuxuuna sidoo kale shaqaalaha nadaafadda u sahlayaa shaqooyinkooda maalinlaha ah,” ayuu yiri  Linda Rahmawati, oo kamid ah bulshada caasimadda.
15% ama 400 tonnes qashinka maalinlaha ah oo kasoo baxa guud ahaan magaalada waxay yihiin ama xiriir dhow la leeyihiin balaastikada.
Halkii basba wuxuu maalin walba ururin karaa qashin dhan 250 kilogram oo u dhiganta 7.5 tonnes bishiiba.
Marka bas walba uu rakaabka dejiyo, waxaa qashinka uu soo ururiyay loo qaadaa shirkadaha ku howlan dib-u-adeegsiga qashinka. Haddana lacagta kasoo baxda qashinkaas dib loo farsameeyey waxaa lagu socodsiiyaa howlaha basaskan maadaama lacag la’aan lagu raaco.
Induniisiya waa dalka labaad ee halista balaastikada la nool, kaddib Shiinaha, marka loo eego cilmi-baaris laga sameeyey sannadkii 2015-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -