Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad Israa’iil leedahay oo ku burburtay magaalada Qasa iyo xamaas oo…

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay in diyaaradaasi lasoo daristay cillad.

Diyaaradan nuuca wax basaasa ah ah ayaa laga cabsi qabaa in ay gacanta u gasho kooxda Xamaas ee ku sugan qeybo kamid ah Marinka Qasa, waxaa sidoo kale suurto gal ah in Xamaas hesho qalabka ay wax ku duubeysay diyaaradasai si ay xog badan uga hesho.

Milatariga Israa’iil, ayaana sheegay in aysan wax walaac ah ka qabin diyaaradan nuuca basaas ah ee ku burburtay Marinka Qasa, waxa ayna xuseen haddii diyaraadaasi xogaha sirdoon ay duubtay helaan Xamaas aysan wax walaac badan ah ka qabin.

Baaritaanka sababta keentay in diyaaradan nuuca basaaska ah ku burburto magaalada Qasa ayaa wali socda, mana jiro wax war ah oo kooxda Xamaas kasoo saartay diyaaradan burburtay oo laga cabsi qabo in qalabkeeda qaataan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo ka hadlay jawaabta Farmaajo ka bixiyey go’aankii Khayre iyo Warar kale

admin

Diyaarad ay la socdeen Boqolaal Xujey ah oo Sacuudiga kusii jeeday oo cillad qabsatay

Cabdi Cade

Habraacada doorashada shan kursi oo katirsan Gollaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---