Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaaryahan geeriyooday xilli uu ciyaar toos ah ka qeyb qaadanayay

Nin feeryahan ah oo u dhashay dalka Nageria, ayaa geeriyooday xilli uu ka qeyb galayay ciyaar  feer toos ah, waxaana goobta uu ku geeriyooday feeryahankan ka dhacay argagax iyo naxtin lasoo daristay dadkii masraxaasi feerka joogay.

Gabriel Oluwasegun Olanrewaju, ayaa miir-daboolmay dhulkana ku dhacay xilli ay socotay ciyaar feer ah, waxaana feeryahanka oo loola cararay isbitaal kuyaalla magaalada Accra  ku geeriyooday daqiiqado kaddib xilli lala tacaalayay.

Feeryahanka ayaa xaaladan adag galay wareegii saddexaad ciyaar feer ah oo ka socotay  garoonka Bukom Boxing Arena ee magaalada Accra, feerka ayaana si deg deg ah loo joojiyay waxaana loola cararay isbitaalka uu ku geeriyooday.

Maamulka cayaaraha feerka ee Ghana (GBA), ayaa xaqiijiyay warka geeridiisa, waxayna sheegeen loola cararay isbitaalka Korle-Bu Teaching Hospital ka dib gargaar degdeg ah oo loo fidiyay, halkaasoo oo u uku geeriyooday muddo 30 daqiiqo ah kaddib.

Xoghayaha guud ee guddiga tartanka feerka ee dalka Nigeria, Remi Aboderin, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid feeryahanka , waxa uuna Oluwasegun ku tilmaamay inuu yahay qof geesi ah oo dhintay isagoo halyeey u ah dalkiisa.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ceeryaamo Sabab u noqotay in hal wado shil ku galaan 60-gaari !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ms. Tsai Ing-wen oo markii labaad ku guuleysatay doorasho Madaxweyne

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada Federaalka oo soo dhoweeyey talaabo ay qaaday K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---