Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo xalay duqeyn ka geystay Buuraha Calmiskaat

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay Sabtidii duqeymo kala duwan ka fuliyeen degaanno koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxo ka tirsan Daacish.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo si kooban u soo saaray qiimayn hordhac ah ayaa sheegay in tiro ka mid ah dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeymahan, isla markaana aysan jirin wax khasaaare ah oo rayidka ka soo gaaray

“Qiimaynta hordhac ah waxay muujinaysa in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish ku dhinteen duqeymaha islamarkaana aysan jirin cid rayid ah o waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri Taliska AFRICOM.

Buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari ayaa waxaa bilahan dambe ka socday howlgal ciidamada Puntland ku doonayaan iney kaga sifeeyeen kooxda Daacish oo halkaas fariisimo ku leh, waxayna ciidamada Puntland oo mararka qaarkood taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay Daacish ka saareen goobo badan.

Related posts

Wasiirka Amniga oo ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Weerar ku tahay Saadaq Joon

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Daah furay adeega Daadejinta ee Dowladaha Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu Dambeeyay weerarkii Al Shabaab ku galeen xerada Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---