Dowlada Federaalka oo la sheegay in fara galin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada Madaxweynaha maamulkaasi oo dhoor mar dib u dhacday iyo fara galin la sheegay in dowlada federaalka ay ku heyso doorashada.

Xildhibaano iyo Senetaro katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hor yimid ciidamada dowlada geysay Koonfur Galbeed iyo fara galin la sheegay in dowlada ku heyso doorashada.

Senater  Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada Federaalka fara galin toos ah ku heyso guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay in ay dhici karto in guddiga fara galinta owgeyd isku casilaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay Senaterka  in Xukuumada Soomaaliya ay shakhsi gaar ah la rabto in loo doorto Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna uga digay Xukuumada fara galinta ay doorashada ku heyso.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii dowlada geysay magaalada Baydhabo aan xiligan halkaasi looga baahneyn, waxa uuna xusay in ciidamadaasi looga baahan yahay in la geeyo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan lagu eedeeyay in fara galin toos ah ku heyso doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo markii sadexaad dib u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -